Dhacdo layaab leh ayaa waxay maanta ka dhacay magaaladda caasimadda
ah ee Muqdisho, iyadoo ay layaab iyo amakaag ay ku noqotay guud ahaan
shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho.
Nin magaciisa ku sheegay Abuukar Bukeeni ayaa wuxuu
yimaaday Maqaayad
ku taalla degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in uu
cunni karaayo Disti weyn nooca ducooyin ka lagu kariyo oo uu ka buuxay bariis.
Ninkaan oo si xoog leh u qeylinaayay ayaa waxaa hadalkiisa uu layaab
ku noqday dadka ku dhaqan degmada Xamar Weyne, hase ahaatee mid ka mid
raggii iskugu soo baxay qaylada ninkaan ayaa wuxuu dhahay “Digsi bariis
iska dhaafee shan saxan oo bariis oo qura hadaad dhameyso anaa lacagta
bixinaayo”, hase ahaatee 2 daqiiqo ayaa wuxuu ku cunay shan saxan oo
bariis ah.
Hadana nin kale ayaa wuxuu dhahay hadaad cunto 10 saxan oo bariis ah
anigaa lacagta bixinaayo, haddii aad cuni weysana adiga ayaa bixinaayo,
wuu ogolaaday, isla-markaana wuxuu markiiba uu cunay tobankii saxan ee
bariiska “Yaabka Yaabkiisa”.
Ninka maqaayada iska leh ayaa wuxuu yiri toban kale hadaad cunto
lacag lagaama maro, haddii aad cuni weysana lacagta adigaa lagaa rabaa,
hase ahaatee tobankii saxan oo kale ayaa wuxuu ku cunay si sahal ah
“Cajiib”
Naag lagu magacaabo Caasho Cali Duceysane ayaa waxay dhahday haddii
aad cunto 15 saxan oo bariis ah aniga ayaa lacagta bixinaayo, haddii aad
cuni weyso adiga ayaa bixinaayo, kkkkkkk, 15kii saxan ayaa wuxuu hadana
uu ku cunay si’aan dhib laheyn.
Dhacdadaan ayaa waxay layaab ku noqotay shacabka ku dhaqan magaaladda
Muqdisho, iyagoo sheegay in ninkaan uu yahay nin bartay qaabka wax
loo-indho sircaadiyo, hase yeeshee Abuukar Bukeeni ayaa wuxuu sheegay
inuusan waxba isticmaalin, laakiin wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa
ay waxaan u tahay wax iska caadi ah, wuxuuna sheegay in uu ka yimaaday
magaaladda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Bariis baad ka shekaynay ee Awr baan keligay 30 minute ku dhabeeyey hilibkiisii oo dhan.
ReplyDelete