Maalinkasta
oo Jimce ah Salaada ka dib waxaa jiray Nin Iimaam ah iyo Inankiisa oo
11jir kuna Noolaa Magaalda Amistardan (Holand) ayaa waxa ay u bixi
jireen Jidadka iyo Guryaha Magaalada ay Deganaayeen ee Amistardam si ay
ugu qaybiyaan Kitub yar-yar oo Ciwaankoodu ahaa Dariiqa Janada Loo maro
iyo qaar kale oo iyaguna ka hadlaya
Islaamka.
Hadaba Maalin ka mid ah malaamaha
Salaadii Jimce ka dib waxaa timid Waqtigii Iimamka iyo Inankiisu u bixi
jireen Dacwada Wadooyinka Amistardam si ay ugu Wasacaan
(Qaybiyaan)Kitaabada yar-yar ee ka hadlaya Islaamka Maalintaa Jawigu
Dibadu waxa uu ahaa mid aad u Qabaw waayo Roobab ayaa Da'yay Inankii
waxa uu bilaabay in uu Xidho dhar fara badan si aanu u dareemin Qabawga,
markaas ayuu Aabihii ku jidha Abaabo diyaar ayaan ahay markaas ayuu
Aabihii waydiiyay maxaad diyaar u tahay Inanki ayaa ugu jawaabay,Aabo,
waxaa la gaadhay Waqtigii aan Qaybin lahay kutubta Islaamiga Markaas
ayuu Aabihii ugu jawaabay, waxaa dhacaya Qabaw Hawada banaankuna ma
fiicna, markaas ayuu Inankii ugu jawaabay, Aabo, waxaa jira halkaa Dad
wali ku socda Naarta inkastoo Qabaw iyo Roobab jiraan.
Aabihii, ayaa ugu jawaabay laakiin
anigu uma baxayo Qabawgan, markaas ayuu Inanki Sabiga ahaa ku yidhi Aabo
suurta gal ma tahay in aan anigu soo qaybiyo Kutubta isagoo ku
ce-celinya Aabihii-Aabihii ayaa ku yidhi waa suurta gal inta uu u
dhiibay waxoogaa Kutub ah ayuu Inankiina ugu jawaabay Aabo waad mahadsan
tahay, la saco Inankan Dadiisu waa kow iyo toban jir u baxaya xiligan
Qabawga aha Wadooyinka si uu u qaybiyo Kutubtaa Islaamiga ah, waxa uu
bilaabay in uu kutubta u qaybiyo Qofkii uu lakulmaba isagoo waliba
Guryahay Xaafada ku garaacaya oo u qaybinaya Kutubta guri-guri laba
sacaadood ka dib marka uu dhex socday Qabawga waxaa Gacantiisa ku soo
hadhay Kitaab kaliya isagoo raadinay Qofka u danbeeya ee uu siin lahaa
Kitaabkan soo hadhay, lakiin Wadooyinku waa cidla oo way haawanayaan
cidna ma socoto markii uu waayay Qofnaba ayuu goostay in uu u dhaqaaqo
xaga Guryaha u dhaw si uu u siiyo xabadan Kitaabka ah ee ku soo hadhay.
Waxa uu bilaabay in uu Garaaco Albaabka
Guri ku dhawaa, lakiin cidna umay jawaabin wuu ku cel-celiyay garaacii
Albaabka lakiin cidana wali kamay furin waxa uu isku dayay in uu iskaga
tago lakiin wax ayaa u diidaya in uu ka tago, markii u danabaysay ayuu
aad u yara Garaacay Jalaskii isagoon ogayn cida uu sugayo ilaa Wakhtigaa
wuu ku yara dheeraaday garaacii si lama filaan ah ayaa loo furay
Albaabkii waxaa ka furtau Aalbaabkii Qof Dumar aha oo da'ah Wajigeedana
ay Murugo ka muuqato waxay ku tidhi maxaad u baahn tahay Inankaygiiyaw?
Inankii yaraa oo ku eegay indhihiisa
Nuurku ka muuqdo ayaa ku yidhi waan ka xumahay in aan ku dhibay ama aan
kaa xanaajiyay, laakiin waxa kailya ee aan rabo in aan kuu sheego waxaa
weeye ilaahay waa ka kaliya ee ku jecel kuna caawinkara waxaanse u imid
in aan ku siiyo Kitaabkaygii iigu danbeeyay kaas oo kaagawarami doona
wax kasta oo ilaahay xagiisa ku saabsan iyo sidaad ku kasban karto
ilaahay raali ahaanshihiisa markaas ayu u dhiibay kitaabkii Yaraa markas
ayay ku tidhi waad mahadsantahay Inankaygiiyaw.
Wiigii danbe markii Iimaamkii Khudbadii
dhameeyay ayuu yidhi yaa su'aal qaba mise Safafka danbe ee Dumarka Qof
weyn oo Dumar ah ayaa tidhi Qofna may garanyo Jimacahan horena umaan
iman halkan Jimcihii hore maan ahayn Muslim kumanaan fakirin in aan
noqonayn Muslim, Ninkaygii waxa uu Dhintay Bilo ka hor waxaanu igaga
tagay Aduunyadan kalinimo Jimcihii tagay Jawigu waxa uu ahaa mid aad u
qabaw Roobna wuu da'yay waxaan goostay in aan isdilo waayo wax Amal ah
iigumay hadhin Noloshan oo waan ka quustay waxaan soo qaatay Xadhig iyo
Kursi Xadhiguu waxaan ka soo laalaadiyay Qolka aan ku jiray xagiisa sare
Xadhigii markaan xidhay ee aan u diyar garoobay in aan iska soo deldelo
ee aan kursigii isku taagay ee aan qoorta la galay kaligaynaa aan ahaa
Murugo badana ay i hayso oo aan rabo in aan ka dhuunto, ayaa si lama
filaan ah waxaan u maqlay Cod Aalbaabka waxaan goostay inaanan ka furin
oo aan sugo inta uu iga tagayo balse waxa uu ahaa cod aan tagay balse
sii kordhaya markaas ayaan Naftaydii la sheekaystay oo aan ku idhi
qofkan kaa tagi waayay wa'ayo markaas ayaan xadhigii intaan ka bixiyay
Qoortaydii ayaan goostay in aan eego Qofkan Albaabka xoog u garaacaya,
markii aan Aalbabkii Furay may rumaysan Indhahaygu waab Sabi yar oo
wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoola cadaynta Malaa'igta oo aan
hore u arag mid la mid ah kelmadii ka soo baxay Afkiisa ayaa Qabsaday
Qalbigaygii dhintay islamarkaana dib u soo Noolaysay oo ka saartay rejo
la'aantii,
waxa uu igu yidhi Sayidadaydiiyeey
waxan kuugu imid Waqtigan inaan ku idhaah ilaahay wuu ku jecel yahay
waanu ku caawinayaa, ka dibna waxa uu isiiyay Kitaabkan aan sido ee
Ciwaankiisu yahay Dariiqa Janada loo maro Waqti adag ayay ahayd aniga
iyo isagaba waayo Jawiga ayaa adkaa waxaan Aakhriyay kelmad kasta oo ku
jirta Kitaabkan marakaan dhameeyay ayaa bilababay in aan Xadhigii iyo
Kursigiiba meesha ka qaado waayo midkoodna iminka uma baahni oo waxaba
ii tari maayaan waad i aragtaa iminka waan Farxsanahay waayo waxaan
ogaaday in uu Jiro ilaah dhab ah waxaan u imid inan idiinku mahad noqo
Malagan yar ee aad ii soo dirteen Waqti munaasib ah ilaahay ayaa mahad
iska leh may jirin qof aan Ooyin Dadkii Masaajidka joogay mar qudha ayaa
saaxadii isla kacday iyadoo Dadkii ku Qaylinayaan ALaahu akabar-Alaahu
Akabar Imaamkii ayaa ka soo degay Mimbarkii markaa ayuu agfadhiista
Inankiisii isaga oo Ooyaya,hadaba Su'aasha aan waydiinaya Naftayda iyo
Dadka ku nool Caalamak Qarbiga waxaa leeyahay maxaan u gudbinay Dadka
aan muslimiinta ahayn ee aan la Noolahay ee ku saabsan Diinteena
Islaamka ah* ilahay in Sabab kaaga dhigo in Qof gacantaad ku soo Muslima
*ayaa kaaga khayr badan Aduunka iyo waxa yaala Xadiiskii nebiga scw.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete