dalka South Africa (koonfur Afrika) waxaan qisadan aad wax uga qoray
warbaahina caalamka. Mid tan la mida ayaa iyana ka dhacday dalka
Ruushka qiyaastii bil ka hor.
Nin da´diisu tahay 50 jir, oo u dhashay dalka koonfur Afrika, deggen
tuulada LIbode ee gobolka Transkei region (Eastern Cape) Transkei ayaa
waxaa qabatay oo ku dhacday xiiq adag, kadibbna uu miyir beelay.
Reerkiisii markii ay arkeen in uu miyir beelay,
ayey is yidhaahdeen,
waakaas oo naftii ka baxday. Xaaladu markii ay halkaa maraysay, ayey ugu
yeedheen, shirkad gaar loo leeyahay (private) oo qolada meydka qaada.
Darawalkii baaburka maydka lagu qaado waday, ayaa waxa uu eegay ama
baadhay (jeekin) ninkan meydka ah in uu wadanuhiisu garaacayo iyo in
kale. Ninkii darawalka aha wuxuu ka waayey, wax garaaca, wadnuhuna wuu
istaagay oo muu shaqaynayn. Intaa ka dib waxa ay ninkii ku qaadeen
gaadhiigii meydka lagu qaadayey, waxayna markii danbe geeyeen oo meydkii
dhigeen oo ku rideen talaagada meydka lagu rido inta la sugayo
diyaarinta xabaasha. Haddaba markii ay ka soo wareegtay muddo 24
saacadood ayaa waxaa sw Ilaahay qadarkii, waxaa soo baraarugay/toosay,
ninkii 50, jirka ahaa , ee la isku wada raacay in uu dhintay. Waxaanu
bilaabay in uu garaaco meeshii taalaadaga ahayd ee lagu riday, waad
garan kartaan ama qiyaasi kartaan xaalada intaa le´eeg .
Talaagada qabowgeedu aad u sareeyo oo maro la huwiyey mooyee
aanay wax kale huwanayn. Qoladii shaqaalaha ayaa naxday oo yaabtay,
muxuu ahaa, qofkan ka dhex qaylinaya talaagada ee leh iga fura oo iga
saara meesha. Nafi orod bay kugu aamintaa ayey tidhaahdaa soomaalidu.
Labadii nin ee shaqaalaha orodbay isa sii daayeen, oo meeshii way ka
carareen, iyagoo moodaya in meesha ay soo galeen Rooxaano
(shayaadiin).
Labadii nin ee shaqaalaha , siday u sii ordayeen ayey u tageen,
ninkii meesha shirkada meydka qaada lahaa oo u sheegeen waxan soo
eryaday. Isagiibaa baqay oo is yidhi talow, waxan shaqaalahaagii soo
eryaday wax yar maaha, isaga laftigiisii baa baqdini gashay, isagoo
dhinacna u caqli celinaya labadii nin ee shaqaalaha ahaa ee cagaha wax
ka soo dayey. Ninkii jiifka (madaxda) ahaa ee meesha haystay ayaa
dalbaday ciidamada bilayska, iyagoo hubaysan ayey soo galeen meeshii.
Kaddibna waxay tageen meeshii talaagada ee qayladu ka soo yeedhaysay iyo
garaacu.
Ninkan 50 jirka ahi maa ha nin dagaal u soo diyaar garoobay ee waa
ruux yaaban oo is leh meeshan sideed ku soo gashay talaagadan, oo uu
naxsan yahay isagu qudhiisu. Halkii ayaa talaagadii lagaga soo saaray
oo loola cararay dhinaca cusbitaalka magaalada oo uu iminka ku jiraa.
Qisadan naxdinta leh ayaa warbaahinta caalamku aad wax uga qoreen.
Ninka reerkiisii oo tacsidii u fadhiya oo u diyaar garoobaya
aaskii/xabaashii ayaa lala soo hadlay oo loo soo sheegay in uu nool
yahay odeygii reerku (Subxaanalaah) waxay reerkii ku noqodtay marna
naxdin marna farxad. Ninka waaxda caafimaadka degmada haysta,
magaalada ay qisadani ka dhacday, Sizwe Kupelo, ayaa dadka fariin u
diray, isagoo leh, haddii uu qofka xanuun ku yimaado ama miyir beelo,
maaha in aad u yeedhaan oo aad ula carartaan dadkiina/ehelkiina goobta
meydka la dhigo.
Waa qiso mururgo/naxdin iyo farxad leh
No comments:
Post a Comment