Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Qiso la yaab leh: Aabo Gabadh uu dhaley looga helay Khamaar iyado 1-sano jirta hadana 17-sano jirta oo leysku heysto

Aduunyo Nin joogooow maxaa aragti ku laaban,Aabo u dhashay Dalka Pakistaan ayaa intii uu noolaa,waxaa looga helay qamaar Gabadhiisa oo markaas 1-sano jirtay,kadib markii uu iska bixin-waayey lacagtii qamaarka oo uu ka helay Nin ay wada cayaareen Turub.

Aabahan oo awoodi waayey inuu deynta iska bixiyo,ayaa kula heshiiyay Ninkii Qamaarka ka helay inuu siinayo
Gabadha-yar ee u joogta guriga,hadii uu bixin-waayey deynta lagu leeyahay,wuuna ka aqbalay Ninkii codsiga loo soo jeediyay.


Ninkii Gabadha Turubka ku helay ayaa ogolaaday inuu sugayo ilaa iyo inta ay ka qaan-gaareyso,balse Odaygii ayaa geeriyooday,hadaba Ninkan Pakistaaniga ah oo lagu magacaabo Haydar ayaa xiriir toos ah la soo sameeyay Hooyada dhashay Gabadha qamaarka lagu kala helay,wuxuuna ku wargeliyay maadaama waqtigan ay jirto 17-sano in lagu soo wareejiyo Gabadha loona guuriyo sida oogu dhaqsiyaha badan.

Rasheeda Cumrani oo iminka qaan-gaartay iyo Hooyadeed Nooraani ayaa arin lama filaan iyo yaab ku noqotay,waxayna Ninkii kula taliyeen inay siinayaan lacagtii deynta ahaa,balse wuu ku gacan-seyray wuxuuna wacad ku maray inuu afduubanayo Rasheeda,Hooyadeedna dilayo hadii aan la oofin balantii ay kala saxiixdeen Aabaheed.

Odayaal degan Magaalada Hyderabad oo ay qisadani ka dhacday ayaa talo ahaan ku soo jeediyay iyadoo la raacayo Xeer-ja-jabka u yaal dhaqanka Dalka Pakistan,in Gabadhan loo guuriyo Wiilka uu dhalay Ninkan oo lagu magacaabo Abdul-Ghani da,diisana tahay 23-sano,maadaama Odeyga Gabadha Turubka ku helay uu yahay 65-sano jir.

Rasheeda Cumrani ayaa codsi usoo jeedisay dhamaan Muslinka Aduunka ku nool iyo Dawlada Pakistan inay usoo gurmadaan oo ay ka bad-baadiyaan guurkan aysan dooneyn.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Magaalada Hyderabad Irfan Bhutto oo iminka gacanta ku haya kiiska dacwadan,ayaa balan-qaaday in Dawlada Pakistaan magan-gelyo siin-doonto Gabadhan dhibanaha ah iyo Qoyskeeda,wuxuuna sheegay inuu dacwad ku soo oogi-doono Mr Haidar iyo Wiilkiisa Abdul-Ghani iyo Odayaashii xukumay in Gabadhan xoog lagu guursado.

No comments:

Post a Comment