Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Nin gabdho & hooyadood isla guursadey caruurna ka dhalay

La yaabka aduunka ee subax kasta aan soo tabino maalinba dunida gees ka mid ah ayuu ka soo sheegaa dhacdooyin qaarkood bini’aadamku ay sida xayawaankii u dhaqmayaan.

Ma halagaa sheegaa, ma diin la’aan & caqiido la’aanbaa , ma dhaqan xumo & fasahaad baa ?, tu ay tahayba dhacdo aan sheeko & shaahid midna dunida loo soo warin ayaan ka soo tabinaynaa maanta wadanka Brazil ka dib markii nin 90 sani jir ah uu 50 caruur ah ka dhalay afar dumar ah oo sadex ka mid ah ay yihiin
hooyo iyo laba gabadhood oo ay dhashay.

Luiz Costa de Oliveira oo ahaa nin beeraley ah una dhashay wadanka Brazil ayaa shaaca ka qaaday in uu 50 caruur dhalay, isagoo ku faanay in  waxa ILAAH u sahlay ay yihiin haweenka, balse Luiz wuxuu farta ku fiiqay inaanu xusuusan karin magacyada dhamaan caruurta uu dhaley oo qaarkood ay u geeriyoodeen nolasha faqiirnimada diinta la’aanta ah ee ay ku nool yihiin iyo waliba cuduro.

 Luiz xaaskiisii ugu horeysay oo lagu magacaabi jirey Francisca waxay u dhashay 17 caruur, waase ay geeriyootey.

Luiz hasaawaha aduun kama harin wuxuu jacal u banbixiuyey Maria Francisca da Silva oo haatan 64 sano jir ah  iyadoo ay isku dhaleen 17 kale oo caruur ah.

Laakiin sheekad la yaabkeeda uu dhacdey markii Maria walaasheed ay badiy maciin si ay caruurta faraha badan ula xanaaneyso, balse Luiz oo ah bahal shabeel naagood ah wuxuu hoosta xiriir saaxiibtinimo kala galey dumaashidiisii ilmo korinta loo soo kaxaystey waxaaana halkaasi uga bilwodey guur 15 caruur ah ay u dhashay.

Luiz intaasi kuma ekaan oo ugu dambeyntii wuxuu ku dhaqaaqay tii ugu darneyd & dhalisay dhabanaheys iyo in farta lagu fiiqo meel kasta oo uu marayo ilmuhuna ka daba qaataan waa markii uu hoos ugu dhigay labadii halbood ee caruurta u dhaley hooyadood, isagoo hal cunug kaga soo tuuray waxaana wali uu la nool yahay duqdaasi oo 89 sano jir ah

Luiz wuxuu awoowe u yahay in ka badan 100 caruur ah isagoo sidoo kale 30 kale abkow uu u yahay, waxaana ninkaasi uu ku faanayaa in uu wali diyaar u yahay ciyaaraha sariirta uuna jecel yahay hasaawaha dumarka.

Maria Francisca ayaa tiri “Luiz waa xariif sare oo ku wanaagsan jaceylka sida loo abuuro, waligiis si dhaqan xun noolama dhaqmin, mar kastana wuxuu jecel yahay in uu caruurtiisa daryeelo inaguna waligeen wax kale kama aynan doonin!”.

1 comment: