Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Jinni ma ku caawiyay waligaa?


sheekadan waxaa noo soo diray Sacad Ciise Cumar:-

Waxaan manta jeclaaday in aan soo ban dhigo arin xili hore iga yaabisay. 

Waxay ahayd 1996 mar aan booqda dhulka baadiyaha ee g/saaxil bari ka xiga ayaa waxa dhacday in aan habeen u hoydey reer ka kooban nin iyo xaaskii oo aan wax ubad ah markaa haysan, laakiin haysta in yar oo adhi ah iyo awr, waxaan u imi waqti salaad maqrib ah, markii aan salaamay ayuu ninkii igu yidhi waar daalbaa kaa muuqdee iska fadhiiso oo iska joog, aniguna waan aqbalay oo waxaan fadhiistay meel bacaad ama ciid tuulan dusheeda, markii aan salaadii tukanay ayaa sida reer miyiga caadada u ah ninkii I haybsaday anigoo isu sheegay isla markaana u raaciyey in aan ku socdo reer aanu isku family nahay oo dagan miyiga kana codsaday hadii uu garanaayo reerkaa ama uu og yahay meesha ay yaaleen uu ii sheego, ninkii si fiican ayuu ii gartay reerkiina miishii ay yaaleen wuu ii sheegay waxaana uu igu yidhi birito ayaan is raacaynaa oo aniga ayaa kuu geynaaya reerkiiye hadii alle idmo, markii aanu intaa is dhaafsanay

Bisad (Mukulaal) Xabsiga loo taxaabay !!!



BRAZIL: Warbaahinta caalamka ayaa si weyn ulla yaabtay kadib markii ay Booliiska dalka Barasiil (Brazil) ay shaaciyeen in todobaadkan la xiray Bisad la sheegay inay u dhacday Xabsi weyn oo dalkaasi ku yaal.
Bisadan ayaa la sheegay in la qabtay kadib ayadoo isku dayeysa inay gudaha u gasho Xabsiga ku yaal magaalada Arapiraca, Bisadan ayaa xiligii la qabanayey la sheegay inay siday qalab la rabay in si qarsoodi ah loogu geeyo qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsigaasi.
Bisadan markii la qabtay ayaa waxaa laga helay jirkeeda in Kool lagula dhajiyey ama xiray qalab kala gedisan oo la rabay in si qarsoodi ah xabsiga lagu geliyo, waxaana qalabkan ka mid ahaa, biraha gidaar-ka lagu duleeliyo, telefoonka gacanta, bateriga telefoonka, charger-kiisa iyo dhegaha telefoonka.
Afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska ee magaalada Arapiraca ayaa sheegay in

Cabsi (Sheeko yaab leh oo ku dhacday gabadh soomaaliyeed oo qurbaha dhawaan tagtay)



Safiyo Waa Gabar Soomaaliyeed Oo Kunool Mid Kamid Ah Wadamada Yurub Qiso Layaab Lehna Ay Ku Qabsatay.
Sheekadaan Waa Sheeko Aad uyaab Badan runtii waa sheeko waxyaabo badan kulan-satay aadna kaaga yaabin doonto, Sidaan Anigaba Sheekadaan uga yaabay Waatan Sheekadii Kabogo, oo Yaanay Ku Dhaafin Safiyo Waa gabar wadanka qurbaha soo gashay sanadkii ina Dhaafay waxey iska dhiibtay wadan kamid ah wadamada Yurub .
gabadhii mudo ayey kujirtay xerada qaxootiga kadib dowlada ayaa siisay guri ay degto markii aay kasoo baxday xeradii ayey gurigii dowlada ugu talagashay ay degtay. Muddo gaaban markey gurigii kunooleyd ayey bilowday iney badsato isticmaaalka computer-ka (internet-ka) .
Gabadhii Waxey computer xaafada yaalay oo aay kusoo dagtay isticmaalkiisa badsataba Waxaa dhacday habeen iyadoo inboxkeeda kujirto iney aragto

Facebook mise Waji-Bogo



Facebook-ga waa howlbadanyahay waxkasta isagaad ku arkaysaa, qof fiican, iyo qofxunba, waa meel aan si fudud qofka heybtiisa lagu sooheli karin xitaa hadaad aqoonsato muuqaalka hortaadda yaala.
5000 kun ee kugu jirta friends kaaga waxaa suura gal ah inaadan xitaa 50 kamid ah si fiican aadan ugaraneynin sababtuna waxaytahay dadkii oo qofkastaaba sawirkii uu rabo uusaartay profilekiisa.
Ikastoon horay uga qornay warbixino badan dhibaatadda facebookgu leeyahay haddana waxan idinla wadaageynaa sheeko ay noosheegtay gabar kamid ah aqristayaasheena oo ahayd sidaan