Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Facebook mise Waji-Bogo



Facebook-ga waa howlbadanyahay waxkasta isagaad ku arkaysaa, qof fiican, iyo qofxunba, waa meel aan si fudud qofka heybtiisa lagu sooheli karin xitaa hadaad aqoonsato muuqaalka hortaadda yaala.
5000 kun ee kugu jirta friends kaaga waxaa suura gal ah inaadan xitaa 50 kamid ah si fiican aadan ugaraneynin sababtuna waxaytahay dadkii oo qofkastaaba sawirkii uu rabo uusaartay profilekiisa.
Ikastoon horay uga qornay warbixino badan dhibaatadda facebookgu leeyahay haddana waxan idinla wadaageynaa sheeko ay noosheegtay gabar kamid ah aqristayaasheena oo ahayd sidaan
.
Waxaan kashaqeyn jiray meel caafimaad oo kutaala Magaaladda Nairbi, intabadan waxaan facebookgeyga soo galin Jiray sawiradeeyda anigoo xiran Dharka Caafimadka ee cad cad si fiicana looma arki karin wajigeyga maadaama Mobile aan sawirada isaga qaadi jiray.
Aniga shaqsi ahaan waxaan xiranjiray Jalbaabka Nooca soomaaliya lagu toli jiray ee aadka u adag una cuslaa maalinbaan sawir isaga qaaday anigoo Jalbaabkaasi xiran wajigeyga kali ahna la arkaayo, kadibna waxaa soogaliayay Facebookga.
Mudo laba bil ah ayuu kujiray waxaa uu kali ah helay hal like iyo hal comment oo uu bixiyay nin ila muuqday in wadaad uu yahay wax kale ma uusan helin .
Mudo kadib ayaa waxaan soogaliayay Sawirkale oo aan xiranahay dirac nooca baacwaynaha looyaqaano ah isla maalintii aan soogaliayay habeenkeedii ayuu wuxuu helay in kabadan 20 comment iyo like oo dhamaantood wiilal wada ah midkastana uu sheegayo inaan aad u quruxbadanahay.
Qaar inboxka fariino igu soodiray waxay ilahaayeen baayo aadbaad u quruxbadantahay tolow quruxdu ma in jirka laarkaa.
Haddaba markaad qisadaasi aqrisay ma kuusoobaxaysaa ciwaanka qormadeenaan in qaarkamid ah maahan dhamaantood ay gabadhaha ku dhiiri galiayaan in ay sawiraddoda oo qaawan ay soosaartaan Facebookga si ay like badan u hesho .

1 comment: