Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Sheeko yaab leh oo dhex martay nin salaad subax ku socday iyo Shaydaan

Maalin maal maha ka mid ah ayaa nin salaada subax u soo kacay isaga oo doonayo inuu Masjid-ka ku tukado. dhar ayuu xirtay, kadib-na waysa qaatay, kadib-na Misaajid-ka u anba baxay. Jidkii dhexdiisa ayuu ku kufay
, kadibna gurigii ayuu kusoo laabtay asaga oo iska badalay dharkii uu xirnaa ee ka wasakhoobay. Mar labaad ayuu wayso qaatay kuna laabtay Misaajidka. Markii uu marayay halkii uu ku kufay markii hore ayuu mar kale hadana ku kufay.
Boorka ayuu iska tirtiray, kadibna kusoo laabtay gurigii si hadana uu dharka isga badalo, waysana u qaato. Markii uu jidka marayey ayuu la kulmay nin gacantiisa ku hayo faynuus (lamp). Ninkii ayuu waydiiyay waxaa uu ahaa, faynuus hayihii ayaa ku jawaabay:
Waxaan arkay adiga oo ku kufay jidka labo mar, sidaasi darted waxaan soo qaatay faynuustan si aan jidka kuugu ifiyo. Mahad celin ayuu ka bixiyey arinkaas. Kadib labadii nin ayaa Masjidka isu raacay. Markii ay Masjikda gaareen, ayuu ninkii koobaad ugu yeeray faynuus wadihii inuu salaado la tukado. Faynuus wadihii ayaa taasi diiday. Ninkii ayaa dhowr mar ka codsaday faynuus wadaha inuu tukado balse mar walbo wuu ka diiday.

Ninkii koobaad ayaa waydiiyay faynuus wadihii wuxuu u diidan yahay inuu tukado. Faynuus wadihii ayaa ku jawaabay:
Aniga Shaydaan ayaan ahay.Ninkii ayaa jawaabtan ka naxay. Shaydaankii oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri: Adiga oo Masjika usoo socda ayaan ku arkay, aniga ayaana ku ku kufsiisay. Markii aad guriga ku laabatay ood isa soo daahirisay, kadibna aad soo aaday Masjidka, Ilaahay dambigii oo dhan ayuu kuu dhaafay. Mar labaad ayaan hadana ku kufsiiyay balse hadana Masjidka ayaa kusoo laabatay, markani Ilaahay wuxuu u danbi dhaafay dhamaan dadkii gurigaada ku noolaa.

Hadii aan mar sedexaad ku kufsiin lahaa waxaan ka baqay inuu Ilaahay u danbi dhaafo dhamaan dadka ku nool tuulada, sidaasi daraadeed ayaan kaa caawiyay inaad Masjikda si nabad ah ku timaado si aanan dadka tuulada ku nool oo dhan loogu danbi dhaafin adiga daraadaa.


Hadaba walaalayaal, marnaba yuusan Shaydaan ka faa
idaysanin camalkiisa oo mararka qaarkood u eg mid waangsan balse ah il-duuf.  Dibna ha u dhigan camal wanaagsan oo samayn rabtay maadama aadan ogayn inta ka faaiidaysan karta camalkaas.

No comments:

Post a Comment