Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Qiso jacayl oo cajiiba oo dhex martay wiil iyo gabadh soomaaliyeed

Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Cabdi iyo Hani, Cabdi ayaa ka waramaya sidii ay wax u dhaceen, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-


Waxaan ku dhashay magaaladda Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, hase ahaatee waxaan kusoo barbaaray magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Xikma oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmadda Hodan.

Waxaan ku noolaa xaafadda Buulo Xubeey ee degmada Wadajir, iyadoo galab galbaha kamid ah anigoo soo aaday Internet Café ku yaalla xaafadda Buulo Xubeey ayaa waxaa la-kulmay in uu buuxo Internet-ka, balse waxaan soo qaatay Nambar, waxaana soo fariistay kuraas banaanka yaalla oo loogu talla galay inay fariistaan, dadka doonaaya in ay Internet-ka sugaan.

In cabaar ah markaan fadhiyay ayaa waxaa timid Hani oo iyaduna degneed xaafadda Buulo Xubeey, balse weligey horey maanan u arag, sidoo kale waxay dhigan jirtay Iskuulka Imaamu Shaafici qeybta xaafadda K.P.P ee degmada Hodan.

Hani waxaan u sheegay in uu Internet-ku buuxo, isla-markaana waxaan ugu baaqay inay soo goosato Nambar, si aysan dad kale uga hormarin, sidii ayay yeeshay oo ninkii goobta Internet-ka joogay ayaa waxay kasoo goosatay Nambar, waxayna dib ugu soo laabatay kuraastii banaanka yiilay ee loogu talla galay inay ku fariistaan dadka sugtada ah.

Hani ayaa waxay bilowday inay ii mahad-celiso anna waxaan u sheegay inaan isku lee-nahay, runtii xilligaas waxaan ahaa nin iska dhalinyaro ah, sidoo kale maanan ahayn ragga khibrada badan u leh, la-haasaawida dumarka.

Hani waxaan bilownay inaay isbarano, iyadoo sheegtay in ay degan qeyb kamid ah xaafadda Buulo Xubeey, isla maalintaa waxaa inoo suurta gashay inaan kala qaadano teleefanada, balse waxaan ilaaway inaan weydiiyo magaceeda, habeenkii oo dhan ayaa waxaan lahaa hadaad wacdo teleefanka guriga ee Hani, tolow maxaad dhihi doontaa, mana taqaanid haddii lagaa qabto magac aad tiraahdo waan doonaayaa.

Iyadoo ay xaaladdu igu cakiran tahay ayaa waxaan wacay teleefankii ay Hani ii qortay, nasiib wanaag Hani ayaaba iga qabatay, waxaana bilownay inaan si-caadi ah isku wareysano, habeenkii waxaanu wada-hadleenay saacado fara-badan, waxaana dhihi karaa habeenkaasi wixii ka dambeeyay waxaan si toos ugu taxmay ku hadlida teleefanada.

Hani waxaan noqonay laba qof oo ay iskugu sheeko baxdo, isla qosla, is-kaftan yaqaano, kaaga daranee si-aad ah ayaan isku jeclaanay, muddo kadib ayaa waxaa Hani ku heshiinay in uu ina dhex maro xiriir jaceeleed, tiiyoo ay inoo dheereed anagoo wada-degneed xaafadda faca-weyn ee Buulo Xubeey.

Xidigtii naftayda waxaan isla soo qaadanay waqti wanaagsan oo munaasab ah, waxaan meel wada-dhiganay balan iyo axdi, bacdamaa aan xilligaasi dhiganeenay iskuul, nasiib wanaag 2007-dii ayaa waxaan Hani wada dhameenay iskuulada, waxayna inoo ahayd xilli taariikh mudan.

Hani waxay ii sheegtay in ay heshay Jaamacad ku taalla dalka Uganda, waxayna ii sheegtay in ay dhawaan bixi doonto, xaqiiqdii waan ku farxay, waayo aniguba waxaan doonaayay inaan waxbarasho Jaamaceed u tago dalkaasi, hani markii ay tagtay Uganda ayaa waxaa sii adkeynay xiriirkayni, balse mushkilada ayaa waxay timid, kadib markii sanad kadib aan qorsheestay inaan aado dalkaasi Uganda, Hani waxay ii sheegtay inay ku faraxsan tahay, ayna igu soo dhaween doonto dalkaasi.

Xilligii aan muqdisho kasoo baxaayay ayaan waxaan wacay Hani, balse waa uu dansanaa teleefankeeda, nasiib wanaag waxaan imid dalka Uganda, waxaana kusoo degay cid aanu ehel iyo qaraabo ahayn, intaas miir maanan lahayn oo qalbigayga wuxuu jiray dhanka Hani, cabaar kadib ayaa waxaan bilaabay inaan waco teleefankii Hani, nasiib daro weli waa sidii waa uu dansan yahay.

Waxaan wacay Hani hooyadeed oo joogtay Xamar, waxayna ahayd hooyo qaali ah oo si wanaagsan ii tex-gelisa, waxaan weydiiyay inay ii sheegto teleefanka Hani, hase ahaatee waxay ii sheegtay teleefankii aan horey u heystay ee dansanaa.

Muddo markaan joogay ayaa waxaan bilaabay jaamacad, hase ahaatee maan ka quusan Hani, waxaan dib u soo wacay Hani hooyadeed, anigoo ka xishooday inaan weydiiyo Hani teleefankeeda, laakiin waxaan si reer magaalnimo leh aan u iri cabaar kadib, Hooyo Hani sidee tahay? Waxay igu tiri, maxaa dhacay kama war-heysid miyaa?, waxan u sheegay inaan ku wareeray teleefankeeda oo uusan dhaceynin, waxay ii sheegtay in ay kasoo wacday xaruumaha teleefanada laga diro (Branch or Sub Station), isla-markaana ay weli Hani ku sugan tahay Uganda.

Iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa magaaladda ku dhex arkay maalin maal-maha kamid ah wiil la-dhashay Hani oo lagu magacaabo Cali, waxaana ku ogaa isagoo joogga Muqdisho, sheeko dheer kadib ayaa wuxuu ii sheegay sababaha uu u yimaaday Uganda ay tahay in uu ka qeyb gallo arooska gabadha la-dhalatay ee Hani, isla-markaana ka dhici doono magaaladda Kampala ee dalkaan Uganda, Yaa Yaa Yaa, waxay igu noqotay yaab iyo amakaag, waxaana garan waayay goob Allaala iyo goobta aan jooggo, Cali oo awalba ogaa in uu xiriir jaceyl inaga dhaxeeyo Hani ayaa wuxuu cabaar iga sugay Jawaab, sida nin hurdo laga kiciyay camal ayaa noqday, dabadeed wuxuu ii sheegay in ninka guursanaaya Hani uu yahay nin ay qaraabo yihiin kana yimid dalka Maraykanka.

Anigoo waxaan sameeyo garan waayay, xaaladana ay igu xun tahay ayaa waxaa habeenkii i soo wacay Cali, wuxuuna ii sheegay inay wada joogaan Hani, ayna Hani dooneyso inay ila hadasho, Hani ayaa ila hadashay, xaqiiqdii codkeeda waan maqlaayay maahee waxa aan ugu jawaabaayo ayaanan ogeyn, markaan teleefanka isa saaray ayaan waxaan ogaaday inaanu wada-hadleenay muddo dhan shan daqiiqo, cajiib ayay ila noqotay, waxaan isweydiiyay oo maxaad shan daqiiqo sheegtay, kaalay oo adiguba garo.

Muddo bil kadib ayaa waxaa magaaladda ku arkay wiilkii Hani la-dhashay ee Cali, wuxuuna ii sheegay in ay Hani aqal-gashay, anigana sidaasi ayaan ku quustay, balse hal su'aal ayaa igu harsaneed Hani, waxaana jeclaan lahaa inaan horey u weydiiyo, su'aashaasoo ah maxay sidaan igu gashay ?

Si kastaba ha-ahaatee hada waxaan ku noolahay magaaladda Kampala ee dalka Uganda, waxaana ahay arday Jaamacad dhigta, balse akhristoo tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd maxaad sameyn laheyd?

11 comments:

  1. way ku kala taagtay zxP lkn marka aad gabadh la shukaansanayso waxa la weydiiyaa xiriir kale ma leedahay lkn haday waxaasi Mar kugu dhacdo wixii danbe ayaa layska ilaaliyaa wllayaal

    ReplyDelete
  2. way ku kala taagtay zxP lkn marka aad gabadh la shukaansanayso waxa la weydiiyaa xiriir kale ma leedahay lkn haday waxaasi Mar kugu dhacdo wixii danbe ayaa layska ilaaliyaa wllayaal

    ReplyDelete
  3. samir iyo adkaysi ayaan xijisan la haa anigu inkastoo qalbigu dhaawac gaadhayo

    ReplyDelete
  4. Waa sheko cajiiba aniga fikirkeyga hadaan kahadlo wlh mel qofkas okale IGA sonoqdo majiro wayk mar hadiba aqal gashey ina kasamro oon iska ilaawo mahe somaliyana horey utiri "magaca iyo musiibo marry baxan " qoftana calfey dhowreysey wawna IMA dey Adina jaceyl in isin dhexmaro le kuqorned.

    ReplyDelete
  5. Wlh waa qiso jaceyl oo xanuun ah

    ReplyDelete
  6. Naf aan naftaada ahayn inaad aamintaaba qalada samir kuu rajeynayaa walalky

    ReplyDelete
  7. Wll waxad way din lahayid inay xiri ledahay

    ReplyDelete
  8. 🥺 iska illow jeceylkuba waa jabkaase

    ReplyDelete
  9. Horta shekadan waqtigad soo post garaysay maqan blse Samir wayo waxkastaba oo kudhafa wax kawacan helaysa alle Ayana kuqoray maho inad is calfan weydan 🙏

    ReplyDelete