Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Mucjisadii Dahsoonayd - waa qiso muscjiso ah oo markaad akhrido Maduxu ku xanuuni doono


Waa hore ayaa waxaa jiri jirtay sheeko dad badani maqleen asaan run ahaanshaheeda la ogeyn. 
Waxaa la yiri: ``Waxaa jiray dhul aan la aqoon wax ku dhaqan iyo wax ka jira toona

, xilliguna aad ayuu uga fogaa maantadaan dunida la inoo sheego dadka ku nool tirsigiisa, bahallada, cayayaanka, iyo dhammaan waxaa noole jira oo dhan tabta ay u nool yihiin. Waxaa la sheegay in ay meeshu ku oollayd bad dhexdeed oo Jasiirad yar ay ahayd. Cidina ma ay tegin waligeed sida ay sheegeen dadkii halkaas berriga uga dhawaa oo qiyaastii
300 oo mayl u jiray. Waxaa kaliya ee la maqlay waxaa ay ahayd in nin badmaax ah oo wata tobaneeyo qof uu halkaa beri u hayaamay oo sheegay inuu soo sahamin doono kobtaa iyo waxa ku dhaqan. Waxaa ayaan danbe la maqlay inuu halkaasi jinni iyo wamaa jaan ay foodda isku dareen. La sheeg in 9 ka mid ah dadkaasi le’deen halka mid ka mid ahi uu baxsaday asagoo aan far la saarin oo qolyihii ay kobtaas isku farasaareen iskood u soo daayeen si uu bal dadkiisa uga sheekeeyo halaaggii la baday iyo waxa uu soo arkay intaba. 
Ninkii badbaaday ayaa waa danbe u yimid dadkiisii, deetana shiriyey odayaashii guurtida Deegaankaas ugu waa waaweynaa, wuxuuna hadalka u bilaabay sidaan: 
``Anagoo 10 Nin ah oo wadanna dooni yar oo annaga iyo raashinkayaga ka badan aan qaadin waa tii aannu aroor hore halakan ka tagnay. Waa tii aad ogeydeen sidii aynu isu macasalaamaynay.Waa tii aad nala dardaaranteen.Waa tii raggiina golaha ayaantaas joogay aad ballan qaaddeen haddii aan soo noqon wayno inaad carruurtayada iyo dadkii aanu masuulka ka ahayn aad masuuliyaddooda qaadi doontaan. Sidaas iyadoo ah waa tii aanu baxnay oo foodda saarnay kobtii aan ku ballanay inaan qabanno ee gasiiradda ahayd. Waxaannu sii soconaba 4 beri iyo dhawr saacadood ayay nagu qaadatay inaanu gasiiradda tagno. Markaanu u soo dhawaanay gasiiraddii ayaa waxaa noo muuqday qudbi dheer oo u eg tower ama qudbi masjid, waxaa kale oo indhahayagu qabteen cagaar dhag ah oo geedo waa weyn ah oo gasiiradda daanteeda soo saaran asaad moodid inuu is haysto meeshoo dhan. Waxaa nagu soo baxay meel aad mooddo in doomuhu ku xirtaan oo deked u eg. Waxaan u hollanay inaan ku xiranno halkaa kol haddaan soo dhawaanay. Isla jeer ahaanba waxaa badda nagaga soo baxay yuug iyo wamaayuug wax u eg oo 6 hal ah. Bahal ma uu ahayn, waana u ekaayeen. Hortayada midbaa istaagay. Shan halna dhinacyada ayay naga mareen. Muuqu waa wax weyn oo ballaaran madaxa uga eg dad, addimmo bahalna leh. Ballaarkiisu waxa uu naga qariyey wixii gasiiradda u ekayd. Oo waxaa isku gudbay Kii hortayada taagnaa. Dhinacyadana waxaa naga maray kuwii kale oo waxaanu noqonay wax ku dhex jira goobaabin aan laga bixi Karin. 
Waxaannu noqonay wax dayoobay oo lumay, waxaana is qaban wayey wixii hore noogu muuqday iyo waxa hadda na horyaal. Waxaa nagu dhacay argagax iyo amankaag. Doonta waxaa noo saarnaa raashin biyo nadiif ah iyo hu’ aanu huwanno oo dhaxanta ka huwanno. Waxaa kale oo noo saarnaa hub aan ahayn mid casri ah ee laga sameeyey baaruuda qaraxda iyo warmo iyo gaashaan aanu isku daafacno. Waxa meesha ka socdayse waxba kamay tari hayn inay dhibka nagu sii badiyaan mooyee. 
Sinnaba uguma aanu hollan inaan la dagaallanno ama iska dhicinno cadawga. Midkii na hortaagnaa ayaa madaxii aadka nooga fogaa ee aad moodaysay inuu cirka biyo ka cabbayo noo soo duwey oo asagoo aad mooddo inuu naga ilaalinayo inuu madaxiisu nagu dhaco, waxa uu noo soo jirsaday wax yar oo taabasho ay gaarto. 
Madaxu wuxuu le’ekaa dhawr guri oo la isku furay oo magaalo cammiran ku yaal. Wuu hadlay oo kaaga darane afsoomaali ayuu wuxuu ku yiri” Ma I garanaysaan nimanyahaw?” 
Waxaa nagu sii batay argagaxii iyo ashqaraarkii. Sidii aanu is ogayn ayaa waxaanu wada niri ”Maya” mid aamusay mooyaane. Mid naga mid ah ayaa aamusay oo aan jawaabin. Waxa uu yiri ”ninkaas ayaa i garanaya ee mawaanu idiin kay sheegin?”- ”Maya” ayaanu niri inta wada eegnay Ninkii! Intaas markii aanu is weydaarsannay ayuu madaxiisa la laabtay oo bartiisii kula noqday. Ma aanu wada hadlin sidii aanu xerada jin u soo galnay. Waxaa misna noo muuqday wax kale oo sidii gacan oo kale ah, waa nala ka qaatay ninkii aamusay, meel la dhigayse ma aanu arki karin oo baaxadda bahalka ayaa nagu gudbanaa waliba aad noogu dhawaa. In yar ka dib waxaa samada nooga yimid wax sidii daah cad u eg oo magnet wata, halkaas ayaa waxaa na dafay magnetkii oo waxa uu noo waday meel aan la arki karin. Laftayadu xataa isma aanu arki karin oo waanu kala dhunnay sidii dad indhala ama sidii qof toosh indhaha looga ifiyey oo kale ayaanu dayoownay, yaabkiina nagu sii biiray. Waxaa nala sii waday muddo aad u yar oo malaha saacado ah waxaan ku indha kala qaadnay dhul aad u weyn oo ay ku nool yihiin dad ka badan dadkeenna oo dhammaantood wada xiiran oo mid timo ku yaalliin aanu jirin oo dhegi ka go’an tahay. Waxaa dadka dhex fadhiya oday timo leh oo malaha da diisu tahay 50 jir, aad u xooggan oo qaba dhar boqortooyo oo aad u yaab badan. Asaguse dhegihiisu waa ay u dhamaayeen oo midina kama ay go’nayn sidii dadka kale. Kursiga uu ku fadhiyona waxaa ku xardhanaa dahab iyo maar. Laba nin oo aad u xooggan ayaa labada dhinac ka kala taagnaa, mid seddexaadna dhabarkiisa ayuu si dirqi ah uga muqdaa. 
Annagu waxaanu nahay sagaal qof waxaa kaliya oo naga maqan ninkii ugu horreeyey ee nalaga qaatay oo asagu aan ka dhex muuqan dadka meesha ka muuqda. 
Waxaa hadal bilaabay boqorkii oo yiri: ” waxaan ahay boqor Maareeye! waxaan ahay boqorka goobtaan magaceeda la yiraado Yamaarug. Waxaan halakan ku noolaa oo xukun kaan aabahay ka dhaxlay ku hayay 391 sanadood oo sanadka aadanaha ah oo u dhiganta 23 sanadood oo tirsiga dadkayga ah. Waxaan halakan ku hayaa waxyaalo aan oollayn halka aad adinku ka timaadeen. Waxaan maanta idin tusinayaa awoodda alle i siiyey iyo mucjisooyinka aniga ii gaarka ah. ”Waxaan ka mid ahaa 3 walaalo ah oo ilmo boqor ah oo aan anigu ugu yaraa, waxaana na dhashay hooyo kali ah oo waxaanu kala weynayn 15 sanadood oo u dhiganta 255 sanadood oo tirsiga aadanaha ah midkiiba. Anigu 30 sano ayaan ka yaraa kan weyn oo curadka ahaa. Markii aanu wada dhalanay oo aabahayo uu wali dhallinyaro yahay ayaa waxaa xukunkii ku qabsaday adeerkay oo aabbahay ka weynaa oo aan caruur lahayn. Guddigii dadkayaga ayaa arrintaas u diiday inuu boqrtooyada aabahay ka qaato si aany u burburin burjiga iyo jiritaanka boqortooyadu maadaama aanu adeerkay wax dhili jirin oo uu ciniin ahaa. 
Sidaas ayaa aabbahayo ku qabsaday xukunka kobtaan. Asagoo hadalkiisii sii wata waxaa uu boqorkii yiri,Yamaarug waa mid ka mid ah 4ta boqortooyo ee ilma YOOFIL ee ku dhaqan dhulweynaha la yiraado Yamays. Waa boqortooyada ugu awoodda yar 4ta boqortooyo oo laba ka mid ah ay ka kala taliyaan walaalahay, midna uu ka taliyo Yay oo ah la taliyihii adoogay. Oo asagu xukunka qabtay 12 sanadood hortood. Anigu waxaan ka masuul ahay dhulkaan Yamaarug iyo wixii agtiisa ka dhoow, sidaa darteed aniga ayaa u xilsaaran wixii ilaaq aadane ah iyo wixii unuunka korkiisa nooga yimaada. Ciidankayga waxaa ugu awood yar kuwii idin soo qabtay, waxaana la yiraadaa Yutulub. Waxaan idin tusidoonaa waxaa ka jira halakan ee bal fiirsha! Waxaa mar kaliya naga qarsoomay dadkii iyo boqorkiiba. Waxaa na saaqday yalaalugo iyo hurdo wada socda. Waxaan noqonnay dad dayoobay, ammin yar ka dib ayaa waxaa furmay albaab ku beegan halkii uu boqorku fadhiyey, waxaanu galnay meeshii mise waa duni lagu indho daraandaro oo waxaa yaalla aad yaab u dhimanaysid. Waxaanu aragnay waxaa nafta u roon oo dhan hadduu yahay dahab, lacag, cunto, beero, wabiyo, iyo wax aan la soo koobi karin oo dhan. Waanu sii yaabnay, waxaanu u mahadnaqnay ilaahay. Waxaanu is niri boqorku waa nin wanaagsan oo waa uu idinka yaabinayey ee waa uu idin wanaajinayaa deetana idin dayn doonaa. 
In yar ka dib ayaa waxaa noo timid gabar qurux badan oo aanu waligayo arag wax la qurux ah intaan noolaa, aadna mooddo in gacanta lagu qoray. waxay noo wadday meeshii wabigu naga xigay, waxay ku dul socotay biyihii, annaguna waanu kula dulsoconnay mana aanu qoyin. Waxaa hoos u furmay kadin kale, markii aanu galnayna waanu ka yaabnay. waxaa joogay makhluuq ka badan kii hore oo uu boqor kale dhex joogo. Sidii kii hore ayuu hadalkii ku bilaabay sidaan:”Waxaan ahay boqor MUKUL lana dhashay boqor Maareeye, waxaanan idin tusi doonaa wax idin ka yaabiya” markaas ayuu soo qabtay ninkii naga maqnaa oo hortayada soo taagay asagoo qaawan asaan cawro ka muuqan, wuxuu yiri uga sheekee nimankaan siday halakan ku yimaadeen. Waxaa uu hadalkii ku bilaabay sidaan: ”Nimanyahaw anigu ma ahi aadane ee waxaan ka mid ahay dadka boqortooyadan, waxaanan ka maqnaa wax yar oo dhawr sano ah, waxaan ahaa nin u eg sidii kuwa ina soo qabtay oo kale ah, ha yeeshee waxaan sidiina u ekaadaa kolka aan hawl muhiim ah qabanayo oo aan aadanaha dan ka yeelanno. Waxaan magaladiina imid 3 sano oo tirsigayaga ah hortood, habeen la arkana waxaan u soo hoyan jiray kobtaan oo boqorka ayaan warka u keeni jiray. Waxaan ahay ninkii magaaladiinna u sheegay inuu soo sahamin doono gasiiraddii aynu u soconnay, ulajeedkaygu waxaa uu ahaa inaan aadanaha halakan keeno oo boqorka ayaa u baahday shaqo aadane si ay u fuliyaan aan halakan u keeno dad waliba rag ah. Marka ogaada inaad hawl qaban doontaan muhiim ah oo aad noqon doontaan dad hoos yimaada boqor MUKUL sida aniga oo kale. Markaas ayuu boqorkii ul uu haystay ku soo yuubay ninkii mase waa tabtii beledii kolkii hore na heshay oo kale ee madax aadanaha lahaa. Ee meel naga fog ka muuqda asaan boqorkii naga qarin. 
Waxaa nagu sii batay yaabkii. 
Waxaa hadlay boqorkii oo noo sheegay inaanu arrintaas ka tashanno oo haddii aanu yeelnana uu hawsha noo diri doono oo aanu halakan ku noolaan doonno oo barwaaqdaas ku dhex jiri doonno, haddii aanu codsanno inuu kobtayadii nagu celiyana uu yeeli doono. 
Ammin yar ka dib ayaa waxaanu isku afgaranay inaanu boqorka ka codsanno inuu degmadayadii noo cesho si nabad ah . waanu soo laabanay oo boqorkii u nimid, waxaa uu na noo sheegay inuu mid mid u weydiin doono goaankii aanu wada gaarnay. Waxaa nala geeyey 9 goobood oo midba kan kale ka weyn yahay ayna ku dhan yihiin wixii bahal carrada ku noolaa. Nin waliba waxaa uu sheegay wixii lagu ogaa waxaan ahayn. Raggii kale waxay wada yiraahdeen waanu oggolaannay inaanu kula joogno oo boqortooyada ka mid noqonno, aniguse tii aanu isku ogayn ayuun baan sheegay ee ahayd inaan degmadayadii u baahnahay oo waliba anigoo nabad qaba rabo kobtaas. Markaas ayaa waxaa la I geeyey meel kale oo aanana hore u arag oo ka weyn meelihii aanu arki jirnay oo dhan. Waxaa yaallay dhammaan waxa nafta u roon oo dhan. Halkaas ayaa waxaa la igu casumay muddo 7 beri ah oo maalinba meel cusub la I soo daawadsiinayay. Waxaa la I soo baray 2 dii boqor ee dhinnaa, oo ayaguna kaba sii daran kuwii hore. Waxaa la ii ballan qaaday inaan si dhaqso ah ugu tagi doono dadkayga iyo dalkaygiiba. Waxaa kale oo la ii sheegay in nimankii la geeyey meel loogu talo galay aadanaha kuwa beenta badan oo fulayada ah. 
Ammintii la gaaray goortaan ambabixi lahaa ayaa waxaa la I dhex keenay ciidan aan la arki karin meesha uu ku eg yahay iyo halka uu ka bilaabmo oo salaan sharaf Ii saaraya aniga. Deetana waxaa hortayda soo istaagay dooni midab cad leh. Ka dibna waan koray jeer ay daqiiqado gudohood igu keentay meel berrigii dadkaygu ku noolaayeen agteeda ah. Sidaas ayaan ku soo samatabaxay”. 
N.B. Kulankeena danbe ayaan idin ka warrami doonaa la kulankaygii Boqorradii kale iyo inta ka harsan sheekada iyo shaqada loo diray siddeedii nin ee kale

No comments:

Post a Comment