Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

MA QARXISAY BAMBADII? Dhacdo La Yaab Leh Oo Ka Dhacday Muqdisho.

Waa sheeko gaaban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Muqdisho waxa ay Deris la noqotay Cabsi ,Wel wel, Dagaalo, Dil, Dhac, Baarkac, Qas, Bur bur, Baa ba’ Caburin Gaajo, Jahli, Cuduro.

Inta badan Qaraxyada waxa ay ka dhacaan Goobaha Dadka Rayidka ay deganyihiin sida Goobaha Ganacsiga sida Suuqyada, Goobaha wax Barashada Goobaha
Caafimaadka, iyo Goobaha lagu cunteeyo, Qaraxyadaasi waxay kaloo ka dhacaan gudaha Gaadiidka Dadweynaha dhexdooda iyo meelo kaloo aad ufaro badan.

Dadaka Muqdisho oo aad uga walwal Qabo Qaraxayadaasi aan caadiga aheyn ayaa hadana waxaa la keenay Miinooyin ama Bambooyin lagu aaso dhulka hoostiisa oo laga koontaroolo ama laga Hago meelo aad u fog fog, Waxaa kaloo dadka ay ka cabsi qabaan dadka Bacda Madoow gacanta kuwato iyagoo aad looga baqo sababtoo ah waxay ku soo qarsadaan walxaha Qarxa.

Sheekadaan waxay dhex martay labo nin oo Farsamo yaqaanada Baabuurta ah (MAKANICO) ah waxay leeyihiin Garaash lagu hagaajiyo Gaadiidka( Baabuurta).

Maadeey iyo Caliyoow ayaa waxay beec urabeen BAMBADA BAABUURTA ku shaqeeyso ee loo yaqaano BAMBO NAFTO bambadaan waa BAM Baabuurka usaaro shidaalka ama Naftada ku jirto SALBATOOYADA ama (Haanta shidaalka) ama (TANGIGA)

SHEEKADA WAXAY UDHACDAY SIDAN:

MAADEEY: CALIYOOW maanta waxaad qaadaa labo BAMBO NAFTO ah, si aad uGeeyso Suuqa una soo QARXISO yacni soo Gado/iibiso Eraygaan oo hada soomalida muqdisho ay ula jeedaan waxaas waa II Qarxay yacni (Waa ii gadmay ) ama leen ayaa xaga ka Qarxay oo ah eray loo isticmaalo wixii leen furmay ah ama fursad ah.

Caliyoow: Haye waa qadaayaa labada BAMBO NAFTO waxaan geynaayaa Suuqa weyn ee Bakaaraha hadii meeshaas iigu Qarxi waayaan (yacni iigu gadimi waayaan) waxaan usii Qaadaa Suuqa HURIWAA .

Maadeey: soo dadaal lacag ayaan aad ugu baahanay si walbo usoo Qarxi (yacni qiimo walbo ku soo Gad Bambo Naftada)

Caliyoow: haye walaakiis waa igu og tahay si walbo waa ku soo Qarxinaayaa yacni (si walbo waa ku soo iibinayaa)

CALIYOOW waa uu soo baxay waxa uu lug ku yimid Suuqa weyn ee BAKAARAHA waxaa uu la kulmay Dukaamo iibiya Qalabka Dayactirka Baabuurta (spare parts), Kolkaas ayuu usheegay in uu haayo BAMO NAFTO 2 xabo intaa kadib ayaa Dukaanlihii ku yiri hal xabo keen ee beri lacagta iigu imoow.

CALIYOOW: waa tahay lacagta beri ayaan kugu imanayaa tan kalana waxaan uqadaayaa suuqa HURIWAA meeshaas ayaan ku soo Qarxinayaa sidaas waxaa yiri Caliyoow, markaa buu yiri Dukaanlihii hadii ay kuu qarxiweyso ii keen anigaa meel saarayo (yacni kuu gadaayo).

Caliyoow tii kale ayuu lafuulay Gadiidka Dadweyna ee ku sii jeeday xaafada HURIWAA markuu Raacay GADIIDKA BL ee ka shaqeeyo Bakaaraha ilaa Huriwaa markuu fuulay waxa uu gacanta ku watay Bac madoow, Dadka xamar cabsi weyna ay ka qabaan bacda madoow waxay uwada heestaan in walxaha Qarxa kujiraan.

Dadkii oo wadanaha farta ku wada hayo iyo darawlkii oo ka murugaysan ninkaan Bacda Madoow lasoo fuulay Baska in yar markuu socaday ayaa TelFOON Maadeey usoo diray Caliyoow oo ku yiri:

Maadeey: HALOOW Caliyoow haye iiwaran see tahay?

CALIYOOY: waa fiicanahay.

MAADEEY: Bambayaashii ma kuu qarxeen ????

Caliyoow: Dadkii dhan Dhaga ayaa wada taagan way maqlaayaan, ayuu yiri saxiib Bamkii hore waxaan soo dhigay Suuqa Bakaaraha weli ma Qarxin lakiin beri waa qarxaysaa inshaa alahu

Madeey: Tan kale iyadana ma qarxisay ????

Caliyoow : Tii kale weli iima qarxin Bacdii ayay iigu jirtaa hada lee ayaan Baska la saaranahay lakiin in shaa alahu waa iiqarxaysaa soo duceey….

Dadkii markii ay maqleen wixii jawaabo ah uu caliyoow usheegayay saxiibkiis maadeey waxaa u cadaatey in ninkan Badcda ay ugu jiraan BAMO, Naxdin dadkii ku dhacday, Dadkii waxay noqdeen mid Dariishada ka boodo iyo mid Naxdin lasuuxa Darwalkii intuu Gaariga istaajiyay ayuu Daaqada ka baxay

Caliyoow isagoon fahmin ayuu isagana iska daba cararay Dadkii isagoo meel dhexe maraaya ayaa waxaa uu ka daba tagay Darwalkii Kolkaas ayuu Darwalkii oo calaalaayo oo ku lehwalaaloow aniga nin maskiin ayaan ahay agtayda ha ku Qarxinin Bambada. erayadaas waxay ka soo baxeen Darawalka oo uqaatey in uu caliyoow agtiisa ku qarxin rabo Bambada.

Caliyoow markaas ayuu fahmay waxa laga kala cararay inay tahay Bacda Madoow ee uu sito …… markaas ayuu caliyoow kala furay Bacdii waxaa kasoo baxay Bambo Nafto Intaa Kadib ayuu Darawlkii marna Qoslaa marna Cayaa Calyioow marna ladagaala .

Dadkii ayaa dib isugu soo noqday caliyoow oo Bacdii tuuray Bambo Naftadiina gacantiisa ku sooqaatey
waa mar dadkii midba meel ku caraaray dhib badan dhacay rafaad la maray ayaa laysku soo laabtay dakiina markii xaalku ay ******** in Bambada runta aysan ahayn Dadki waa ay wada Qosleen

No comments:

Post a Comment