Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Qiso Naxdi Leh Oo Kusaabsan Facebook

maxmed Xaaji iyo Ifraax Xaaji oo ah labada qof ay ku dhacday qisadaan murugada leh, labadaan qof waa walaalo kala bah ah (kala hooyo), Aabe Xaaji wuxuu qabay laba dumar ah, labada dumar waxay kala dhaleen Maxamed iyo Ifraax, waxaa coloobay oo is dagaalay labada dumar uu qubay aabe Xaaji, waxaana dhex martay colaad xun kuna saleesan maseer, aabe xaaji ma uusan xalin arinta colaada kala dhexeeso labadiisa xaas, intii uusan xalin ayuu
ku geeriyooday aabe Xaaji dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho 1991,
Maxamed iyo Ifraax xiliga uu dhimanayo aabahood waxay ahaayeen dad caruur ah aan wax sidaa ah aan kala garan, Maxamed hooyadiis uma sheegin in uu aabihiis iyada la qabay naag kale ama uu leeyahay walaalo bah kala ah, hooyada Maxamed way ka qarisay arintaan sababa maseer darteed, waxayna ka ilaalin jirtay in uu barto Maxamed bahda aabihiisa sida adeerada iyo wixii kale oo qaraaba ah, halka Ifraax hooyadeed sidoo kale neceeb xun aye u qabtay hooyada Maxamed markasta waxay jeclaan jirtay in ay gubto ama ka taqalusto waxayna aaminsaneed dhimashada ninkeeda in ay masuul ka aheed Maxamed hooyadiis, maadaama aabe Xaaji uu ku dhintay sariirtiisa xili habeen ah, waxayna aaminsaneed in cashada loogu daray sun, Ifraax iyo hooyadeed waxaa ugur maday geerida aabaheed kadib abtigooda oo dagan magaalada Stockholm Swedan, dacwad kadib wuxuu keenay abtiga reerka Ifraax magaalada Stockholm.
Hooyo kasta waxay ku dadaali jirtay in caruurteeda labarin islaanta kale ee lala qabi jiray, Dhanka kale Maxamed wuxuu isagane tahriib ku soo galay dalka Norway, mudo markii uu joogay Maxamed wuxuu sameestay cinwaan Facebook 2009, wuxuuna soo qaatay magac been ah, wuxuuna ku darsaday walaashiisa Ifraax oo iyadane sidata magac been ah, Maxamed kama war haayo ruuxa uu ku darsanayo qofka ay tahay xiligaas, isbarasho ayaa dhex martay, qof kasta wuxuu soo dhaweeyay kan kale si gacmo furan ah,
xiriirkoodu wuxuu ku saleesnaa bilaawgii hore walaalnimo iyo kaftan, mudo kadib wuxuu isku badalay xiriir jaceyl, intii uu xiriirka jiray qof kasta wuxuu sheegan jiray magaciisa saxda iyo in magaca facebook uu yahay mid been ah, waxay is dhaafsadeen sawiro, cod iyo muuqaal iyadoo la isku balansado markasta Skype, xiriirkoodu wuxuu noqday mid qoto dheeraada, Maxamed iyo Ifraax si dhab ah ayee iskaaga heleen, qofba kan kale soo jiidasho iyo ereyo laabta uroon ayee is dhaafsan jireen, mudo sanad kadib xiriirkoodu wuxuu noqday in la isbalansado oo la is arko,
Maxamed wuxuu booqosho ku soo aady magaalada Stockholm sanadkii 2010, wuxuuna la kulmay Ifraax, kulankaas kadib Ifraax waxay xaqiiqsatay in Maxamed xiriirka dhab ka yahay maadaama uu waqti siiyay iyada kuna soo booqday magaalada ee dagantahay, sidoo kale Ifraax ayaa balan qaaday iyadane in ay booqon doonto Norway.
Waxaa la gaaray xiligii ay ka gudbi lahaayeen xiriir una gudbi lahaayeen lamaana isqaba oo isla wadaaga nolosha, Ifraax iyo Maxamed waxay ku heshiiyeen in ay is aroosaan dhamaadka 2011 ka, Ifraax waxay war galisay hooyadeed maadaama aysan arag aabaheed iyadoo caqli leh halka Maxamed oo ka war galiyay hooyadiis, Maxamed ayaa ka codsaday abtiriska saxda ah ay leedahay Ifraax iyo qabiilka ay tahay, wuxuuna ugudbiyay hooyadiisa uu ku nool magaalada Muqdisho,
Maxamed hooyadiis way dareentay in wiilkeeda gabadha uu rabo ay tahay gabar walaashiisa ah laakiin hooyadii kama nixin arinka guurka balsa waxay ka naxday in wiilkeeda uu bartay walaashiisa oo iyada (hooyada) ka qarin jirtay, hooyada guurka way qaadacday waxayna ku marmarsiyootay in isaga oo yar la siiyay gabar, gabadhiina ay hada waynaatay marka loo guurin doono, halka Ifraax ay la yaabtay waxa ku dhagan Maxamed oo usoo af jari layahay balanta guurka iyo maalinka uu dhacaya, Maxamed markii ay is dhex mareen muran hooyadiisa wuxuu go’aan saday in uu guursado Ifraax isaga oo wakiilanaya ama ay ka odayeenayaan asxaabtiisa ku sugan Norway,
waxaa la gaaray xiligii guurka, Maxamed wuxuu shubay qarashaadka guurka ku bixi lahaa, maalinkii uu meherka dhacayay waxaa soo hadashay Maxamed hooyadii oo ku tiri gabadha aad guursaneeso waa gabar kula dhalatay waxaana dhalay aabahaaaga Allah unaxariisto, Maxamed wuxuu bilaabay qaracan, waxaa halmar ka luntay farxadii, wuxuuna bilaabay shook iyo wareer iyo hadalada uu isku dhex yaaciyo, wuxuuna sheegay in gabadha uu intaas sano xiriirka la lahaa ay aheed walaashiisa isaga ku aaba ah, Ifraax hadalka way aamini wayday waxayna u carartay qolka hooyadeed waxayna soo waydiisay in aabaheed uu qubi jiray bah kale aan iyaga aheen markii ay soo xaqiiqsatay Ifraax way suuxday, goobtii ayaa isku badashay murugo dhextin walaac iyo arin lala yaabo.
Hadaba hadii aad tahay qof isticmaala facebook iska hubi qofka aad xiriirka la yeelaneeso waxaa laga yaabaa in uu yahay qof walaalkaa ah ama qof kale adiga sifiican kuu yaqaana, hubso inta uu san jaceylka dhab kuu galin, ka taxadar in ay ku qabsato qisadaan oo kale.

1 comment:

  1. waa qiso cajiib ah Ilaahii kala badbaadiyey labadan walaalaha ah ayaa mahad leh

    ReplyDelete