Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Bisad (Mukulaal) Xabsiga loo taxaabay !!!



BRAZIL: Warbaahinta caalamka ayaa si weyn ulla yaabtay kadib markii ay Booliiska dalka Barasiil (Brazil) ay shaaciyeen in todobaadkan la xiray Bisad la sheegay inay u dhacday Xabsi weyn oo dalkaasi ku yaal.
Bisadan ayaa la sheegay in la qabtay kadib ayadoo isku dayeysa inay gudaha u gasho Xabsiga ku yaal magaalada Arapiraca, Bisadan ayaa xiligii la qabanayey la sheegay inay siday qalab la rabay in si qarsoodi ah loogu geeyo qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsigaasi.
Bisadan markii la qabtay ayaa waxaa laga helay jirkeeda in Kool lagula dhajiyey ama xiray qalab kala gedisan oo la rabay in si qarsoodi ah xabsiga lagu geliyo, waxaana qalabkan ka mid ahaa, biraha gidaar-ka lagu duleeliyo, telefoonka gacanta, bateriga telefoonka, charger-kiisa iyo dhegaha telefoonka.
Afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska ee magaalada Arapiraca ayaa sheegay in
Bisad (Mukuleeshan) la geeyey goob lagu xidho xayawaanka, isla markaana ay adag tahay inay ogaadaan kooxdii soo adeegsatay bisadan, maadama aysan hadli karin oo la ogaan karin cida soo dhistay sheekadan cajiibkaleh.
Afhayeenka ayaa sheegay in la filayo in qalabkan u socday mid kamid ah maxaabiista xabsiga ku jira oo qorsheenayey inuu halkaasi ka baxsado. Xabsiga Arapiraca ayey hada ku xidhanan yihiin maxaabiis gaadhaya 263, waxaase la isweydiinaya sida Bisadan loo soo tababaray inay hawshan fuliso.

Daawo warka Bisadn oo Video ah:




No comments:

Post a Comment