Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

SHEEKO YAAB LEH OO DHEX MARTAY JINNI MUSLIM AH IYO NIN SAXAFI AH!!!

Weli midkiin ma soo maray maalin uu kala dooran waayo inuu ooyo amase qoslo? Xaqiiqada ayuu ka waramay qofki yiri balaayo waxaa ugu daran tan kaa qoslisa . Taasi waa waxa aniga igu dhacay markuu gacantyda soo galay kutub cinwaankiisu yahay
: Dood dhex martay nin saxafi ah iyo Jini muslim ah; waxaan ku fikiray inaan dhinac iska dhigo anigoo u arka inaanu wax faaiido lahayn laakiin waxaan bilaabay inaan baalasha kutubkaas rogrogo si aan u ogaado sida uu ninkaas saxafiga cabqarigaa ihi kula kulmay Jinnigan Muslimka ah.Waxaan ogaaday in ninkaas saxafiga ah uu sheegay sidan:  Waxaa ilaa marki aan yaraa ii imaan jiray oo aan arki jiray jinniga. Waxaan dukaday salaadda istikhaarada dabadeedna goaansaday inaan la kulmo jinnigan muslimka ah si aan uga waraysto arimo badan oo quseeya jinniga gaar ahaan kuwooda muslimka ah. Marar fara badan ayaan wada kulanay oo waqti dheer ay qaadanaysay mar walba sheekada ina dhexmaraysay. Waxaan leehay ayuu yiri haiga raali noqdo aqristuhu hadii aanan ka hadlin sidi aan u kulanay aniga iyo jinnigan muslimka ah maxaa yeelay dhinac  wax ay kordhinayso ma jiraan dhinaca kalena ma doonayo inaan xumeeyo Jinnigan muslimka ah oo wanaag falay si aan ula kulmo, tan labaadna qoka muslimka ah akhlaaqdiisa ayay ka mid tahay inuu xifdiyo sirti lagu aamino.
Runti hadalka qaybta ugu danbaysay ayaa I niyad jebisay madama aan bogagga kutubkan u rogrogayey si aan u ogaado sida uu kulanku u dhacay basle taas uu ka gaabsady ninkan  saxafiga ah. Si kastaba ha ahaatee waxaan isku qasbay inaan aqriyo kutubkan waxaanna ka fahmay ninkan saxafiga hadalkiisa in saaxiibkiisa jinniga ah uu ka tirsanyahay qoys jinni ah oo aad loo ixtiraamo laguna magacaabo Kanjuur, sheekadi dhex martayna iyadoo qaybo uun laga soo qaatay waxy u dhacday sidan:
Saxafigi: Dhar miyaad lebisataan sida insaanka?
Jinnigi: Haa, waa dhar aad u qurux badan oo midabyo kala gedisan leh, naageheenuna waa is xijaabaan oo niqaab ayay xirtaan (markaas ayaan is iri dowladaasi waa ay ka xoriyad badantahay tan Fransiiska).
Saxafigi: Dad badan waxy rumaysanyihiin inuu Ibliis (shaydaan) uu yahay aabaha jinniga, taas run miyaa?
Jinnigi: Maya taas sax maaha, laakiin miyaad ogtahay in Ibliis uu leeyahay boqortooyo wayn, oo leh waziiro, dowlad, iyo maamulo waa wayn, uuna leeyahay shan danjire oo ku jirta baarlamaanka metelana maamulada kala duwan kuwaas  oo joogto ah laguna magacaabo: Thabar, Dasam, Acwar, masuud, iyo Zalnabuur, waxaa kale oo uu leeyahay ciidan lagu magacaabo mutasakiciin kuwaas oo gaar u ah barka hoose ee naagta iyadoo xijaab aan wadan socota, wuxuuna ku abuuraa was was fara badan marka ay soconayso. Boqortooyada Ibliisku waxay ku taalaa Saddex Xagalka Bermuuda, waxaana ku yaala iskuulo iyo jaamacado, waxaana halkaa waxyaabaha laga barto ka mid ah caafimaadka, handasada, saxaafadda iyo weliba suugaanta sida aad idinkoo insi ah ubartaanba.
SAXAFIGI: Asagoo hadalkiisa sii wata ayaan inta isceli waayey weydiiyay su’aashan, Waxaan horay u maqlay in Saddex xagalk Bermuda uu yahay meel wixi taga aanay ka soo noqon oo ay ku maqanyihiin diyaarado, maraakiib iyo weliba dad badan; maxaad iiga sheegi kartaa arintaas?
Jinnigi: Runti waa ay jirtaa aintaas. Ibliisku wuxuu u xilsaaray ciidan aad u xoog badan oo u soo gacan geliya waxa alla iyo wixi meeshaas soo mara. Horay kuuguma sheegin ee boqortooyadan waxay ku taalaa badda hoosteed oo waxay leedahay laba iyo toban albaab oo badda ku hoosyaala. Waxaa inay biyuhu galaan ka ilaaliya marki la furo albaabadan quwadda qalab gaar ah oo celiya biyaha balse ay insiga, jinniga, iyo waxyaabaha kaleba ka gudbi karaan hadii loo furo albaabka. Maraakiibta aad ka hadlayso, diyaaradaha iyo weliba insigi saaranaa inti dhimatay markay duqoobeen mooyaane inta kale waxay u shaqeeyaan boqortooyadan. Waxaana loo sameeyay deegaano gaar ah oo ay ku noolaadaan. Waxaa loo ogolaaday inay ragga iyo dumarku isguursadaan oo ay ubad dhalaan si boqortooyadu uga faaiidaysato maskaxda insiga iyo weliba qabashada shaqooyinka aanay jinnigu ku wanaagsanayn. Dhow jeer ayaa reer galbeedka oo uu maraykanku u horeeyo isku dayeen inay ogaadaan asraarta ka danbeysa waynta wax alla iyo wixi taga Bermuuda balse kuwi loo soo diray qudhigoodi ayaa la waayey. Taa waxaan ula jeedaa kuwaas qudhigooda waa la qafaashay oo waxaa loo taxaabay inay ku dhex noolaadaan boqortooyada Iblayska si looga faaiidaysto fikirkooda iyo muruqoodaba. Qaaar kamid ah waxyba wax ka dhigaan jaamacadaha boqortooyadan.
SAXAFIGI: Waan ka xumahay inaan kaa dhex galay mowduuci hore ee aanu ka hadlaynay xagga waxbarashada iyo weliba dadyawga ku nool halkaas ee meeshi nooga sii wad.
Boqortooyadaas waxaa ku jira dad haysta diimo kala duwan sida Muslimiin, Buudiyiin, yuhuud, Masiixiyiin, iyo weliba dad shuuciyiin ah. Laakiin Jinniga Muslimiinta ah waxay ka qayb qaateen dagaalki mujaahidiinta Afgaanistaan la galeen gumaysigi Ruushka, waxaa ka mid ahaa kooxaha ka qab qaatay dagaalka xoox ka koobnayd konton kun oo jinni ah kuwaasoo il biyo u bajiyay ciidan mujaahidiinta ka tirsan oo la godoomiyay lagana mamnuucay inay gaaraan baad iyo biyaba. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa koox kale oo jinniga muslimka ah oo iyagu ka qayb qaatay gubidda dabaabaadka iyo diyaaradaha Ruushka.
Laakiin waxa ay ka sheekeeyeen walaalaha ka soo noqday goobaha jihaadka ee Afgaaistaan  wax meeshan lagu soo koobi karo maaha, waana wax aad kaaga cajabsiinaya marka lagaaga sheekeeyo .
Waxaa kale oo aan kulankaas ku ogaaday in jinniga muslimiinta ahi ay necebyihiin heesaha, qoob ka ciyaarka, iyo muusikadaba, kumana tumaan aroosyadooda wax aan durbaan ahayn meehsa ay jinniga gaalada ah, ilaahay ayaan ka megen galnaye, naagohoodu ay yihiinn kuwa ayagoo qaaqaawan ay jidadka socsocdaan oo ay cayrsanayaan ragga suuqyada dhexdooda, waxaa halaag ku dhacay ninki gacmahooda gala.
Kulanku waa dheeraa ilaa uu ka soo boxo kutub ka kooban 173 bog.
Sidaas ayaan waqtigaygi ku lumiyay anigoo rogaya hadba bog ka mid ah kutubkan mana garan mid aan sameeyo: ma  qoslaa mise waan  ooyaa!!!

No comments:

Post a Comment