Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Sheeko gaaban: Maxaa iga qabsaday qaad – qaybta 1-aad

Waa duhur qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha ka kululina dhakadayda ayay ku dhacayaan, dhidid aad dhareer moodo ayaa dhafoorkayga ka tifiq laynaya.  Mase dhaadani oo dhib ka weyn baa i haysata. Ma waayin wax la cuno
, mana waayin wax la cabo, waxaase wer wer igu haysa xaraarada qaad ee maankayga xoqaysa, maskaxdaydana xaradhaaminaysa. Waxaan u dheg taagayaa dhawaqa xabeebtu weheliso ee soo dhacyeey.
Soo dhacyeeeey!  Waxaanan ka naxayaa dhawaaqa xiiqsan ee ka dhakada weynloow ma kun baad weyday.
Waan aqaanaa goortii aan bilaabay, waanan aqaanaa sidii aan ku bilaabay, waxa kale oo aan aqaanaa ciddii i belaysay ee buulkii hooyaday iga saartay. Mase jecli xusuusashadooda, oo waxaan xanuun iyo xayraan ahayn igu kordhin maayaan. Ha yeeshee adiga dartaa baan maanta uurkayga u dooxayaa ee fadlan ha igu digan hana igu dayan, ee iga durug, iina diir nax.
Bilowgii balwadu aad bay ii soo dhawaysay, asxaabteeduna aad bay ii qaabileen, kumase mahadsana ee waa ku magac la’ yihiin. Waxaan u baahdo iyo wax dheeriyaba waxaan ka heli jiray inta igu xeeran ee aanu xididka iyo asxaab nahay. Dariiqada aan kaga heli jirayna waxay ahayd been abuur iyo baahiyo aan alifi jiray. Intii aan qabatimayay qaadka ee aan qarsanayay arinkaygu sidaas buu ku socday, wax iga xumaana haba yaraatee ma jirin.
Waxaan la yaabi jiray dadka leh qaadkii baan soo qaban wayney, waxaanan u arki jiray dad xeelad yar. Waxaad moodaa in codkaygu is bedelay, anna waan sii bedelay oo waan wayneeyay, marka aan hadlayo afkaan yar qaloociyaa oo hadalo kibir iyo qaanacnimo ku sayn saaban yihiin baan kaga higsiiyaa. Waxaan moodi jiray dhigayga aan balwada lahayn inaan wax dheerahay, oo aan ragannimo dheerahay, waayo aragnimo dheerahay. Waxaanse ogaadey inaan garaad yari iyo garasho xumo dheeraa.
Waxay sheeko socotaba waxaa dhacdey qabtii ina Xasan Rukuub. Waxaana kulmay qabatinkaygii qaadka iyo ogaanshihii la igu ogaadey inaan balwad bartay.. Cod baahiye weyn baa lagu wariyay inaan aafoobay oo aan ibtilo faraha la galay, talaa faro ka haaday. Golaha amaanku (Ehelku) fadhi deg dega ayuu yeeshay waxaanu go’aamiyay in cuna qabatayn cir, dhul iyo badba leh la igu soo rogo. Waxaa mar kaliya heegu u go’ay ilihii wax soo saar ee maalin qayilkayga.
Waa la i colaadiyay waana la i caydhiyay, anna wiil dhalinyaro ah baan ahaaye waan ka ficil qaatay oo ragannimo aan igu jirin baan iska baadh baadhay oo suuqa ayaan galay. Muddo yar haddii aan ku jiray afkaa igu dheeraaday oo waan hayn waayay.  Waxaanan dib u codsadey ku noqoshada gurigii aan anigu ka tegay. Aqbaladaada codsigaygaa waxa isku maandhaafay waalidkay, waxaana dhici  gaadhay in ay isku dhacaan aniga dartay.  Waxaase ugu danbayn guulaystay hooyaday. Waxaana la ogolaadey inaan gurigii ku soo noqdo waxna ka cuno.
Maalinta galinkeeda hore waa ii orod iyo ruclayn, waa ii raadin iyo raacdayn, waa ii shaxaad iyo sharad beena, waxaan haybiyaa hebelo aanu asxaab nahay oo aan faashka ku qabto. Soo muuqashadayda waa laga naxaa, su’aashaydana waa laga war wareegaa. Maalinba qof baa i naca, anna aan nacaa; weydiinta ayuu igu nacaa, anna war celinta ayaan ku nacaa.
Waan qub dhacay, waanan qayirmay, ma da’weyni,  haddana gabax baan idhi, dhar baan xidhanahay, haddana waan qaawanahay,  sharaf baan ka qaawanahay, xishood baan ka qaawanahay,  xarragaan ka qaawanahay, xurmaanan ka qaawanahay, adduun ma hayo, aakhirana ma haybsho,  isma xisaabiyo, mana xisaabtamo; waxaan isku dhiibay waqtiga iyo waayaha, oo kolba siday doonaan iga yeela.
Galin danbena waa ii fadhi iyo foorar, waa ii raamsi iyo mirqaan, waa ii haasaawe iyo hadal tororoga, waa ii farxad iyo faan aan fadhiga dhaafsiisnayn.  Xaalada aan ku jiro kama hadlo, mana jecli ka hadalkeeda, waayo mirqaanka ayay iga xumaynaysaa. Waxaanse jecelahay ka hadalka xaaladaha adduunku ku jiro. Marka uu mirqaanku igu dhibqo waxaan noqdaa wada muxubo iyo kal gacal. Mar waxaan isku arkaa siyaasi ruug cadaaya oo tan iyo lixdankii soo shaqaynayay oo waxaan kala shushubaa, oo isku shushubaa siyaasadaha caalamka. Waxaan la doodaa muruq weynaha Maraykan. Waxaanan u doodaa maryo weynta carbeed. Marna waxaan isku arkaa mufti ka jawaaba afarta madhaba.
Waxaanan u garnaqaa sunniga iyo shiicada anniga oon waligay xer cilmi noqon. Marna waxaan is tusiyaa inaan ahay ababshaha dhalaanka iyo aabaha jacaylka, oo waxaan dhayaa dakharada cishqi iyo boogaha caashaq ee ay dhamaan dhalintu la il daran tahay.  Run ahaana maba aqaan jacaylku wuxuu yahay.  Wxaanse wax walba ku dhisaa mala awaal. Marna waxaan isku arkaa maal qabeenka adduunka, oo waxaanu madal ku kulanaa Bill Gate iyo asxaabtiisa.  Shilina jeebkayga kuma jiro. Marna waxaan maamulaa inta madax madaw ee uu Mawle uumay.
La sco qaybta dambe!

No comments:

Post a Comment