Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Akshay Kumar Oo Qiso Cajiiba Oo Qosol Badan La Kulmay.

Akshay ayaa waxaa uu la kulmay qiso qosol badan xili uu sameynaayay sawirada filimkaan, isagoo duubaayay akshan ayaa waxa uu koray Mooto wuxuuna labistay dharka Booliska kadibna waxa uu riday Xabad Bistoolo hortiisa waxaa soo socda laba oday oo iyaguna Mootooyin  wata wexeyna u maleeyeen in uu yahay askari bursanaaya maxaayeelay waxa ay orod ku soo dhaafeen wadada si qalad ah, labadii nin wey istaageen gacmahana kor u taageen iyadoo cabsiyi ku jirto wexeyna ku dhawaaqeen hadalo cudur daar ah, wexeyna u heystaan Akshay Boolis Bursanaaya oo
qabtay.


Akshay Kumar ayaa arkay eyadoo xaaladu halkaas mareyso kedibna waxa uu iska siibay Okiyaalihii  kuna yiri ragii odayaasha ahaa, waan ka xumahay anigu waxaan ahay Akshay Kumar waxaana isku sawiraayay filim mana dooneyn inaan dhib idiin geysto, marka iga raali noqda, kedibna midkood ayaa lahadlay Akshay kuna yiri waxaad tahay Aktar aad u wanaagsan sidii ayaana lagu kala tegay

No comments:

Post a Comment