Ahlan wasahlan saaxiib soo dhawaw ku soo dhawaw sheekooyin aad u xiiso badan oo ku raali galiya ood ku nasato waxna ka korodhsato, nagu soo kordhi talo ama sheeko mid kaad haysaba shukran. By: Eng Mohamed Abdi Mouse

Pages

Sheeko cajiiba: Oday 120-sano jir ah oo u Dhashay Dalka Hindiya oo Guursaday Haweeney 60-jir

Oday 120-sano jir ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa guursaday haweeney 60-jir ah.
Hazi Abdul Noor oo ah odayga 120-sano jirka ah ayaa guursaday haweeney da’ 60 jirka h, oo lagu magacaabo Samoi Bibi, waxanaa guurkooda uu ka dhacay deegaanka Assam oo ka tirsan magaalada Karimganj ee gobolka Guwahati.
Arooska Noor iyo Bibi ayaa waxaa lagu marti-qaaday dad ka badan 100 qof iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaa
caruurta uu dhalay Noor iyo caruurtii ay sii-dhaleen, waxaana guurkan qabanqaabadiisa lahaa caruurta odayga 120-jirka ah.
 Mid ka mida caruurta  odaygan Hazi Noor ayaa sheegtey in Labadoodu waxay ku heshiiyeen inay aroos dhigtaan iyaguna ay ogolaadeyn  iyadoo intaas ku dartey in Aabbaheed u sheegay  inuu helay haweeney  xanaaneysa kaddib markii ay dhimatay hooyadeed.”
Xaaskii ugu horreeyay ee uu guursado Noor oo lagu magacaabi jiray Salima Khatun ayaa dhimatay sannadkii 2005, isagoo haweeneydan 60-ka ah ee uu guursaday ay noqonayso haweeneydii labaad oo uu guursado noloshiisa.
Warqadaha dhalashada ee Hazi Abdul Noor ayaa muujinaya inuu dhashay xilligii uu gurmeysiga Ingiriisku haystay dalka Hindiya, da’diisuna ay tahay 120-sano. isagoo noqonaya qofkii ugu da’da weynaa ee guur gala dalka Hindiya oo dhan.
Hazi Abdul Noor, ayaa caruurtiisa, kuwa ay dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen waxay gaarayaan 122 qof, waxaana ku jira saddex gabdhood oo uu dhalay oo weli nool iyo laba wiil, balse inta kale wuxuu u yahay awoowe.
Samoi Bibi oo ah haweeneyda 60-sano jirka ah ee uu guursaday odayga 120-sano jirka ah ayaan wax caruur ah dhalin, iyadoo ninkeedii hore uu geeriyoodya muddo sanooyin laga joogo.

No comments:

Post a Comment